Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Madaafiic ciidanka AMISOM ay xalay ku garaaceen Duleedka magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Madaafiicda ciidanka AMISOM ay ku garaaceen Duleedka magaalada Marko ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay ka war heleen in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka magaalada Marko.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Madaafiicda ay ciidanka AMISOM ku garaaceen xaafado ka tirsan duleedka Marko ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeyntaasi.
Mid ka mid ah Dadka deegaanka ayaa sheegay in Madaafiicda ay ahaayeen kuwo culus sidoo kalena ay ku abuurtay cabsi badan.
Midowga Afrika ee AMISOM weli kama aysan hadlin Madaafiicda ciidankooda ay ku garaaceen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-