DHAGEYSO WAREYSI:- Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo Banaanka soo dhigay Sir qarsooneyd, sheegayna inuu ka shaqeysan la’yahay shaqsiyaad gaar ah

0

Axmed Yuusuf Muumin “Siraaje” oo ah Xisbaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa ka hadlay arimaha uu qabto xafiiskisa tan iyo markii lamagacaabay Bishii Augosto Sanadii 2012kii iyo Caqabadaha ka heysta in la xisaabiyo hantida Guud ee Qaranku leeyahay.

Ugu horeyn xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa sharaxaad ka bixiyay kala duwaanshaha udhexeysa Xafiisyada Xisabaiayaha  Guue ee Dalka iyo Dr Nuur Faarax Jimcaale Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

“Xafiiskeyga Shaqadiisa Waa inaan Maamulo Hantida Dowlada Dakhliga iyo Qarashka Dhaqaalaha ee dalka soo Gala Halka uu Kasoo Galay iyo Hlaka uu ku Baxay,lkn Hanti-Dhowrka Guud ee Dalka Shaqdiisa waa ilaalinta Hantida Qaranka hadey ahaan laheyd Mid Kaas ah ama Cadaan kala soocida Hantida Guurto  iyo Maguurto iyo arimo Kale sida dabagalida Heshiisyada ay soo galaan Wasiirada Xukuumada Soomaaliya” ayuu yiri Siraaje.

Mar uu ka hadlayay Waxyaabaha uqabsoomay ayuu ku sheegay iney suura galiyeen in dhamaan Shaqaalaha Dowlada Mushaaraadkooda ay ka heleen Akoonadooda ay ku leeyihiin Bangiyada halka markii hore ay u iman jireen Maamulyaashooda.

Sidoo kale xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa meesha ka saaray wararka Sheegaya in la Musuqo Hantids Dowlada gaar ahaan xiliga doorashada oo hada laguda galay,Xafiiskiisa ayuu sheegay inuu si dhaw ula socdo arimahaas.

Axmed Yuusuf Muumin Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa Sheegay iney hada wadaan Qorshe ay ku doonayaan sidii Guud ahaan dalka looga hirgalin lahaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo hada ku kooban oo kaliya Caasimada Dalka.

Lacagaha hada lagu xiray iney bixiyaan dadka doonaya iney kamid noqdaan labada Aqal ee Dalka sida Aqalka Sare iyo kan hoose ayu ku sheegay wareysigiisa inuusan waxba kala socon,wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in Xafiiskooda aysan ku badneyn ka hadlida Siyaasada Dalka.

Waxa uu Soo hadal qaaday mushaar yarida heysata Shaqaalaha Dowlada gaar ahaan Ciidamada Dowlada,isagoona sheegay in bishan gudeheed xafiiskiisa bixiyay Mushaaraadka inta badan Shaqaalaha Dowlada,wuxuuse qiray in mararka qaar uu soo daaho Lacagaha lasiiyo Shaqaalaha Dowlada.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo Xiiso badan:-