Siyaasiyiinta ku jira dowladda Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland iyo waxgaradka ayaa sheegay in aysan ka qeyb galaynin doorashooyinka lagu wado in ay Soomaaliya ka dhacaan bilaha fooda nagu soo haya.
Kulan ay maanta ku yeeshay Muqdisho waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda maamulka Somaliland ayey sheegeen in aysan diyaar u aheyn in ay qeyb galaan Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ka dhex muuqday wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiin kale oo soo jeeda maamulka Somaliland.
Waxa ay sheegeen hadii aysan helin xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya inysan ka qeyb gali doonin doorashada Soomaaliya.
Waxa ay sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta iyo sidoo kale waxgaradka Somaliland kasoo jeeda ee la shaqeeya dowladda Soomaaliya aan laga qeyb galin go’aamadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
Hoos ka Dhageyso Codka:-