Maxkamada magaalada New York ayaa lasoo taagay ninka lagu tuhunsan yahay inuu dilay Imaam iyo nin kale oo u dhashay dalka Bangaladhesh Sabtidii la soo dhaafay.
Eedaysanaha oo lagu magacaabo Oscar Morel ayaa ah 35 sano jir, waxayna Booliska baaritaan ay ku sameeyeen gurigiisa ka soo heleen bistoolad la rumeysan yahay inay tahay hubkii uu dilka ku fuliyey iyo waliba dharkii uu qabay xiligii uu dilka geystay.
Ninkan ayey Booliska xogtiisa heleen kadib markii la sheegay inuu shil gaari galay kadib dilkii Sabtidii isagoo baxsad ah, shilkaasina kadib la ogaaday in ninkan uu ku sugnaa goobta dilka ka dhacay xiligii la dilay labada nin ee u dhashay dalka Bangaladhesh oo xiligaasi ka yimid Masaajidka Al Furqaan ee xaafada Queens.
Muslimiinta magaalada New York ayaa dilkan ku tilmaamay mid Muslim naceyb ah isla markaana codsaday inay dowlada wax ka qabato sidii loo adkeyn lahaa amaanka goobaha ay muslimiinta isugu yimaadaan.
Muslimiinta ayaa sidoo kale ku eedeeyey murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump inuu yahay ninka abuuray xiisada hada ka taagan dalkaasi Maraykanka.