TOP NEWS:- Maxaadan ogeyn oo Saakay ka Cusub Deegaanada Puntland iyo Warar Cusub oo soo baxaya..

0

Kulamo kala duwan oo lagu soo xulayo Xildhibaanada ka imaan doono Degaanada Maamulka Puntland ayaa waxey ka socdaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa sidoo kale waxaa kulamo looga hadlyay arintaasi waxey dhexmareen Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Odaaysha Dhaqanka.

Madaxweyne Gaas iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay Xubnaha Maamulka Puntland u matali doono Aqalka Sare ee Baarlamaanka soo socda.

Siyaasi C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo qeyb ka ahaa kulamaadaasi ayaa waxuu sheegay in Madaxweyne Gaas ay kala hadlayeen soo xulintaanka Xildhibanada iyo in aan la musuqmaasuqin xubnaha ka imaanaya Beelaha dega halkaasi.

Siyaasiga C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sidoo kale waxuu shaaca ka qaaday in wax natiijo ah aysan ka soo bixin Shirkii Madasha Hogaamiyayaasha  Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, Puntland ayaa la hadal haayay in looga badiyay maamullada kale Xubnaha aqalka sare ee Barlamaanka u matalaya.