Madaxweynaha Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan dalka Ethiopia sidaWarbaahinta uu u sheegay sargaal katirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha safarkiisa lama shaacin waxa uu ku saabsan yahay, laaikiin waxaa nagu maqaalo ah inuu la xiriira arrimaha xiriirka Puntland iyo Ethiopia iyo sidoo kale marxalada kala guurka Soomaaliya ee xilligaan taagan.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ah Madaxda Soomaalida ee inta badan Safarada ku taga Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Itoobiya.