Kadib dagaal Khasaaro geystay oo Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka Lafoole ee duleedka Muqisho ayaa Saraakiil ka tirsan Al Shabaab waxey sheegeen in ay u suura gashay in ay la wareegaan inta badan Xaafadaha deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Boqolaal dagaalyahan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay gudaha u galay Lafoole waxayna weeraro culus ku qaadeen Saldhigyo Milateri oo Ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Lafoole sida ay shegeen Sarakiil ka tirsan Al shabaab oo lahadlay warbaahinta taageerta Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu muddo socday kana dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Saraakiiil ka tirsan Ciidanka Lafoole ayaa sheegay in Masjid ku yaalla deegaanka Lafoole saaka Salaadii subax kadib ugu khudbeeyay dad shacab ah Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxayna u sheegeen in maamulkii islaamiga ahaa dib u soo laaban doono waqti dhow.
Saldhigyadii ciidanka DF-ka ku lahaayeen halka loo yaqaan Shanta Golaha Sare illaa iyo Isbitaalka Xaawa Cabdi ayay isku fidiyeen xoogaga Al Shabaab, saanada hub ah iyo rasaas ay lahaayeen ciidanka DF-ka ayaa u gacan galay ciidamada Xarakada Al Shabaab sida ay sheegen sarakiil ka tirsan al Shabaab.
Maamulka Degaanka lafoole oo aan laxiriirnay meysan noo suura galin in aan helno si aan wax uga weydiino warka ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan in mudo saacad ah ay la waregeen gacan ku heynta degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.