AMISOM oo Beesha caalamka ugu baaqday in la taageero Soomaaliya iyo Fariimo loo diray

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM ) ayaa sheegay in ay beesha caalamka ugu baaqayaan in la taageero Soomaaliya inta ay socdaan doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan bilaha fooda nagu soo haya.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya , Francisco Madeira , ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashada Soomaaliya aysan guul u noqon doonin kaliya  Soomaaliya  laakiin ay guul u tahay Midowga Afrika iyo beesha caalamka .

Francisco Madeira ayaa si weyn u qeexay in taageerada beesha caalamku ay tahay tilaabo loo baahan yahay ,sidaasi darteedna laga rabo in ay soo dadajiyaan waqtiga doorashada.

Francisco Madeira oo sidoo kale ah gudoomiyaha AMISOM ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen magaalooyin badan ayna xasiliyeen amniga qeybo badan oo ka mid ah dalka, hadana ay taagan tahay dhibaatada Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay inta ay socoto doorashada Soomaaliya in ay si wadajir ah u wadashaqeyn doonaan ciidanka ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa ka socda wadamada qaarada afrika ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

” Waxaan u sheegaya beesha caalamka in ay muhiim tahay in ay muujiyaan taageero lixaad leh inta ay socdaan doorashooyinka Soomaaliya , waxaan jeclaan lahaa in Midowga Afrika iyo beesha caalamka ay ku adkeystaan go’aanka ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Francisco Madeira.

Soomaaliya waxa ay galaysaa waqti kala guur ah waxaana lagu wadaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyin bilaha September iyo October ee sanadkaan.