Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka bilaabanaya ololaha doorashooyinka sanadkaan ee 2016-ka, oo ay u taaganyihiin Musharaxiin badan oo doonaya inay ku guulaystaan xilka madaxweynenimada ee Soomaaliya.
Waxaa jira Musharaxiin badan oo aad loogu saadaalinayo inay ku guulaystaan xilka Madaxweynenimada ee Soomaaliya, halka ay sidoo kale ay jiraan Musharaxiin aanan rajo badan lahayn.
Hadaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa Musharaxiinta ugu cad cad ee sida wayn loo hadal haayo caasimada Soomaaliya, kuwaas oo la aaminsanyahay inay ku guulaysan karaan doorashada sanadkaan.
- Musharaxa Dr. Cabdinaasir Xasan Cabdulle ayaa ka mid ah Musharaxiinta haatan ku sugan magaalada Muqdisho kaas oo si joogta ah ula kulmaya Qaybaha Bulshada siwayna ay u soo dhoweeyeen dadka.
Aqoonyahankaan dhalinyarada ah ayaa loo arkaa inuu yahay midka ku haboon haatan inuu hogaamiyo dalka, waana nin aqoon u leh hogaaminta.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-