25-jir ayaa ku geeriyooday Warta Sigaale ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir markii uu sharad u galay in uu ku dabaalankaro biyaha Fadhiya warta Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Warta Sigaale ee degmada Hodan ayaa waxa fadhiya biyo aad u farabadan , kuwaa soo ay adag tahay in uu kasoo baxo qof aan dabaal aqoonin.
Wiilka Geeriyooday ayaa la sheegay in ay sharad dhigteen afar kale kuwaa soo la sheegay in ay ka baxsadeen , laakiin isaga ay laqday warta .
Wiilka Geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cadde si ay Risaala u sheegeen dadka Deegaanka.
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaraya ayaa kala cayriyay dad aad u farabadan oo goobta isku soo aruuray.