DHAGEYSO:- Dhalinyaro kasoo gudubtay xadka Kenya si ay ugu biiraan Al-Shabaab

0

Faahfaahino dheeraad ah  ayaa kasoo baxaya dhalinyarada ka soo jeeda dalka Kenya oo la sheegay in ay ku biireen Al-Shabaab.

Tiro badan oo dhalinyaro ah kenyaan ah ayaa la soo sheegaya in ay kasoo gudbeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo  Kenya sida ay sheegeen dadka ku sugan xuduudka labada dal.

Waxgaradka iyo sidoo kale dadka kunool xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku wargeliyay in dhalinyaradaasi ay u soo talaabeen dalka Soomaaliya, islamarkaana qaarkoodna ay dadka deegaanka ay u sheegeen in ay doonayaan in ay ku biiraan Al-Shabaab.

Mid ka mid ah waxgaradka Kenya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka  uu ku wargeliyay in uu arkay dhalinyaradaas oo xadka ka talaabaysa , islamarkaana uu sheegay in ay  ka yimaadeen dhanka Kenya ayna u soo gudbeen dalka Soomaaliya.

Odayaasha Deegaanka  Isiolo ee dalka kenya,ayaa sheegay in ku dhowaad 19 qof oo dhalinyarada ah ay kasoo gudbeen xadka kenya ay soomaaliya la leedahay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-