Baarlamanka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ay kula xisaabtami doonaan sababaha keenay in wali Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ka gaabiyay Wax u qabashada dadka kunool gobolka Jubbada Dhexe oo ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay u soo jeesan doonaan la xisaabtanka madaxweyne Axmed Madoobe.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in sare loo qaadi doono la xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland.
Hoos ka Dhageyso Codka:-