Iyadoo Taliska Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya dhawaan amar ay ku bixiyeen in Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho looga baahan yahay inay qaataan Kaarka Dowladda hoose ee loo yaqaan Teesare Minashiibiyo islamarkaana dadka arintaasi micno kala duwan u sameeyeen, ayaa Duqa Muqdisho wuxuu ka hadlay waxa isku soo beegay amarka qaadashada kaarka Dowladda hoose iyo xilliga doorashada.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lacagta laga qaado bulshada Soomaaliyeed ee lagu sameynaayo Teesare Minashiibiyo inaan lagu gali doonin in doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo.
Gudomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in doorashada Soomaaliya iyo sidoo kale qaadashada kaarka Minishiibiya aysan waxba iska quseyn.
Dad badan oo waxaa jira aanan awood u laheyn bixinta Qarashka lagu qaadanaayo Kaarka Aqoonsiga Dowladda hoose, kuwaasi oo ku nool dalka inkastoo maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in ay si gaara ula maacaamili doonaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-