DHAGEYSO:- Waxgaradka gobolka Sh/Dhexe oo ka soo horjeestay Madaxweyne dooran oo Hiiraan iyo Sh/Dhexe yeesho, Fariina u diray Xasan Sheekh

0

Odayaasha Gobolka Sh.Dhexe ayaa Ka Digay  inuu Noqdo Mid Dooran Madaxweynaha Maamulka Loo Sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe kadib markii ay suuqa soo gashay warar noocaas ah.

Qaar Kood oo Warbaahinta Kula Hadlay magaalada Jowhar ayaa Sheegay iney Muhiim tahay in laga dhabeeyo Hadal ay Sheegeen inuu Horay uga soo baxay Madaxweynaha Dalka kaas oo ahaa in lasoo dooranayo Madaxweynaha Labada Gobol Hogaaminaya.

Waxa ay Sheegeen in Hadii sida ay hada tuhunsanyihiin Wax uqabsoomaan ay isaga huleelayaan Hoolka uu Ka Socdo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

Waxaa ay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka dalbadeen in Shirka uu noqdo sidii isaga uu ugu dhawaaqay magaalada Jowhar ee ahayd Ergo xulista,Xildhibaannada iyo doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Odayaashs Hiiraan qaar ka mid ah ayaa diiddan Shirka Jowhar,halka kuwo kale ay ku suganyihiin Jowhar kana qeyb galayaan marka uu Shirku halkaasi ka furmo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-