Howlgalo Culus oo xalay laga sameeyay Muqdisho iyo dad badan oo lagu soo qabtay

0

Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Somaliya oo xalay Muqdisho ka sameeyay howlgal lagu xaqiijinaayay ammaanka labo Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir ayaa soo qabtay dhalinyaro badan.

Howlgaladaan ayaa waxaa laga sameeyay Degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxaana ciidanka ay soo qabteen dhalinyaro fara badan.

Intii howlgalka uu socday ayaa la sheegay ciidamada inay u dhaceen guryo ku yaalo labadaasi Xaafadood oo ay kala soo baxeen dhalinyaro u muuqatay inay bartilmaameed ahaayeen, kuwaasi oo ciidamada ay ka xeysteen.

Ibraahin Cali oo ka mid ah dadka Degmada Wardhiigley ku nool, ayaa sheegay dhalinyaro badan oo Xaafada deganeyd in lagu qabtay howlgalka, wuxuuna sheegay in ciidamada ay kaxeysteen dhalinyarada qaarkood.

Inkastoo aanan la cadeyn karin tirada rasmiga ah ee ciidamada ammaanka ay kaxeysteen, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan intii howlgalka uu socday in la isku keenay dhalinyaro ka badan 100 kuwaasi oo ciidamada markii dambe ay kala saareen.

Habeenadan dambe howlgalada noocaan oo kale ah ee ciidamada ay ka sameynayaan Magaalada Muqdisho ayaa soo badanaya, xilliyada qaar dadka howlgalka lagu qabto ayaa la weydiinayaa inay haystaan Kaarka Dowladda hoose (Teesaro Minishiibiyo) qofkii haysto ayeey ciidamada sii daynayeen kaliya.

Saraakiisha dhanka ammaanka Gobolka Banaadir weli faah-faahin kama aysan bixin howlgaladaan xalay labadaasi Degmo ee Gobolka Banaadir ka tirsan ciidamada ay ka sameeyeen.