Sharikadda Soma Oil & Gas,ayaa looga adkaaday kiis dacwadeed ku saabsan musuq ay gashay oo ay baaris ku socotay,waxaana kiiskaas uga adkaaday Xafiiska ka hortagga Musuqa halista ah ee Dowladda Ingiriiska oo baaritaan ku hayay howlaha Sharikaddaasi ay ka waddo Soomaaliya ee shidaal barista ah.
Qareennada matalayay Soma Oil,ayaa ku dooday in kiiska la hakiyo waxaan aya Maxkamaddu ku war gelisay in aan la hakineyn ee uu baaritaanka ku sii soconayo.
Xafiiska ka hortagga Musuqa halista ah ee Dowladda Ingiriiska ayaa Bishii August ee Sanadkii 2015kii bilaabay baaritaan musuqa ku saabsan kadib markii laga shakiyay in Sharikadda ay bixisay lacago aan sharci ahayn oo ay ku bixisay tababaradda iyo kobcinta aqoonta Xafiisyada Wasaaradda Patroolka Soomaaliya.
Hoggaamiyihii hore ee Xsibiga Conservative-ka Michael Howard,oo hadda madax ka ah SHarikadda Soma Oil,ayaa lagu tuhmayaa in uu bixiyay lacag dhan $700,000(todobo boqol oo kun oo Doollar), oo uu siiyay Dowladda Soomaaliya si ay qeyb ugu noqoto in Soomaaliya ogolaato in ay SOMA ka baarto Shildaal.
Maxkamadda ayaa baaritaankan billowday kadib markii Codsiga Xafiiska SFO ee UK la horgeeyay Sharikadda Soma,mas’uuliyiinteedana ay sheegeen in warbixinnada qaar eek u jira aysan ku lug lahayn kana jawaabi waayeen dalabkii ahaa in 25 August 2015 ay Maxkamadda yimaadaan.
David Perry, oo ka mid ah Qareennada u doodaya Soma,ayaa sheegay in jiritaanka Sharikadda ay halis ku jirto haddii kiiskan uu sii socdo waxaana uu ka codsaday Maxkamaddain ay laasho,waase laga diiday.
SFO ,ayaa dalbaday in uu sii socda Kiisakan kadib markii lacagaha ku baxay Barnaamijka horumarinta ee Wasaaradda Patroolka lagu sheegay in ay dambi isu rogi karaan.
Sasha Wass, oo ka mid ah Qareennada ayaa ku doodday in kiiska uu baaritaan dheer kadib muujiyay mid noqon kara faldambiyeed sidaa darteedna ay tahay in uu sii socdo,taas oo ay Maxkamadda ku raacday.
Xafiiska ka hortagga Musuqa halista ah ayaa ku dooday in uu dib u eegis ku sameeyay Xafiisyada Hay’adda SOMA ee London,sidoo kalena ay halkaas ku baareen Dukumiintiyo gaaraya 50,000 oo Dukumiinti iyo 20,000 oo Email,sidoo kalena ay qaadeen wareysi ay la yeesheen marqaatiyayaal aanay xusin.