Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in ay jiraan dad soo xiranaya dareeska Askarta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Xaamud ayaa shaaca ka qaaday in ay dadkaasi ay lacag canshur ah ka qaataan Bajaajta Magaalada ka shaqeysa.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Talaabo laga qaadi doono Dadka isku ekeysiiya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed islamarkaana Wadayaasha Booto-Bajaajka ka qaata Lacag Canshuur ah.
Hadalka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa imaanaya xilli Wadayaasha Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ay dhowr jeer Cabasho ka keeneen Lacago Canshuur ah oo weliba Xad dhaaf ah in looga qaado Gudaha Magaalada Muqdisho.