Xaalad adag oo laga soo sheegayo degmo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

0

Xoghayaha degmadda Warsheekh, ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Cali Yuusuf ayaa faafaahin ka bixiyay xaaladda nololeed ee degamadaasi ka jirta.

Maxamed Cali ayaa sheegay in xaruumaha caafimaad ee degamada ay aad u liitaan, waxaana uu ka dalbaday masuuliyinta dowladda in ay sida ugu dhaqsiyada badan ay usoo gaaraa deegaanka.

Waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii ay qeyb muhiim ah ugu qaadan lahaayeen hormarinta Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degmada Warsheekh.

Xoghayaha degmadda Warsheekh, ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamed Cali Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in waxyaabo badan ay u baahan yihiin shacabka.