Iyadoo weli u is mariwaa uu ka taagan yahay Maamul u sameynta Goboladda Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in uu Kulan uu dhex marey Madaxweynaha Dowladda Federalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cabdulaahi Goodax Bare.
Kulankaan oo ay ka soo shaqeeyeen Waxgarad, Siyaasiyiin, Nabadoono iyo Culamaudiin ayaa waxaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada , waxaana lagu waramey in kulankaan uu qaatey Dhowr Saacadood ayaa wararka waxay sheegayaan in si weyn la isku afgartey laguna balamey in Hore loo dhaqaajiyo Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeeladda dhex.
Cabdulaahi Goodax oo si weyn loogu xasuusto Rididii Reysal Wasaarayaashii soo marey dalka ayaa waxaa la sheegey in Kulankii dhex marey Madaxweynaha Xasan Shiikh iyo Cabdulaahi Goodax Bare la isku afgartey in Cabadulaahi Goodax Bare uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeeladda Dhex .
Is afgaradka dhex maray Siyaasiga Cabdulaahi Goodax Barre haatan ah Xildhibaan ka tisan Dowladda Federaalka ayaa la sheegey in ay fududeyn doonto Sii dhaqaajinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe hase yeeshee Su’aasha meesha taala waxay tahay sida looga dhaadhicin karo Ugaaska Beesha Xawaadle oo isugu geeska ku dhuftey in Maaamul isku dar ah loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeeeladda Dhexe