Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay Socdaalka uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Gobolka Sool,waxaana lagu sheegay in Siilaanyo uu tagay Dhul Puntland ay leedahay.
Warsaxafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay inaysan Puntland u dulqaadan doonin in Maamulka Somaliland uu ka sameeyo diiwaan gelin gobolada Sool iyo cayn, waxayna Puntland sheegtay dhulkaasi inuu yahay dhul katirsan Puntland.
Sidoo kale Warka ka soo baxay Puntland ayaa Baaq loogu diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ugu baaqeen in waxii ka dhaca halkaa uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo Madaxweyner Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland ayaa Maanta Booqasho ku tagay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.