Xerada Badbaado ee degmada Dharkeynleey ee Magaalada Muqdisho, oo ay ku jiraan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku barakacay intooda badan.
Abaarihii 2011-kii ku dhuftay Koofurta Soomaaliya iyo collaadihii 2006-2011, ayaa hadda waxa ka taagan dhibaato ay muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay ku hayana barakacayasha ku jira xeradaas.
Sida ay barakacayaashu u sheegeen Mustaqbal Radio, Maamulka degmada Dharkeynley ayaa Xerada ay ku jiraan ee Badbaado ugu geeyey Xaashi aan wax tixraac iyo summad ah toona lahayn, taas oo lagu farayo in ay uga guuraan dhulkaas muddo 3 maalmood ah
Barakacayaasha xerada Badbaado oo ka cabanaya amarkaas aanay aqoon cidda ka dambeysa ayaa dhigay dibad bax cabasho ah, qaarkood ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in ay ka yimaadeen Kenya, kadib heshiiskii dhexmaray Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsna Qaramada Midooobay ee UNDP, kaas oo dhigayey in si qasab iyo Jujuub loogu celin Qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda SOomaaliya, hayeeshee qofkii doonaya loo fududeeyo dib ugu noqoshada dalkiisa.
Dhibaatada ka taagan dhinaca dhulka iyo ciriiriga ay dareemayan muwaadiniin badan ee ku saabsan dhinaca boobka iyo muranka Dhulka oo kor u kacaya waxa laga yabaa in ay sabab u yihiin muwaadiniin adeegsanaya magaca dowladda ama haysta awoodda madax kamid ah dowladda oo isku dayaya in ay ka sameeyaan lacag iyo dhaqaale xaraashka hantida dowladda,
Hoos ka Dhageyso Codka Barakacayaasha:-