Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in Todobaadkan uu booqasho gaaban ku yimaado magaalada Nairobi ,si uu wada-hadalo ku saabsan Doorashooyinka iyo Amniga uu ula yeesho siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.
John Kerry ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi isagoona si gaar ah ula gorfeyn doona arimaha Doorashooyinka Soomaaliya iyo arimo kale.
Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sidoo kale la sheegay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu kala hadli doono arimaha Qaxootiga qaar ee ku nool xerada Dhadhaab.
Sidoo kale John Kerry ayaa la filayaa in uu booqdo dalalka Nigeria iyo Sacudi Carabiya, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaasi.
Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan soo dhaweysay Doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in dowlad ahaan ay arrintaasi waqti badan ku bixin doonaan.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.