Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Bandhig Carweedka Buugaagta ee Muqdisho oo Saddex maalin ka socday magaalada Muqdisho.
Bandhiga Buugaagta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgen Bekir, Dhalinyaro, Aqoonyahano, iyo xubno kale, waxaana dadweynaha loo soo bandhigay Bugaagta ay qoreen khubarada soo qaban qaabisay bandhigan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshe lagu balaarinayo Maktabadaha ku yaala dalka iyo dibadiisa, isagoo intaa ku daray dowladda arimahan oo kale ay aad u taageereyso.
Dadweynaha ayaa si weyn u iibsaday buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo Bandhigay Carwada Buugaagta ee Muqdisho, waxaana ka mid ah buugaagta la soo badnhigay Qisooyin gaar ah, sheekooyin, Taariikh, Suugaan, Jaceylka iyo Arrimaha Qoyska.
Bandhiga ayaa waxaa uu suura geliyay fursad ay isku bartaan kumanaan ruux oo ka kala yimid dhulalka ay Soomaalidu degto, caalamka daafihiisa kala duwan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-