Ruushka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero xabbad joojin 48 saac ah oo ka hirgasha magaalada Xalab, ka dib codsi ka yimid ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Moosko ayaa sheegtay in hakinta colaadda labada maalmood looga gol-leeyahay in la hirgaliyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaarka bani’aadminimo todobaadka soo socda.
Ergayga Qaramada Midoobay, Staffan de Mistura, ayaa soo dhoweeyey talaabada Ruushka, laakin wuxuu ka digay in caqabadda imaan karta ay tahay Moosko in ay ka dhaadhiciso heshiiska xukuumadda Suuriya.
Goor sii horreysay ayuu ku dhaleeceeyey dhinacyada dagaallamaya inay ku guul darraysteen inay u ogolaadaan gaadiidka gargaarka sida inay gaaraan magaalooyinka lagu hareereysan yahay bishan.