Dal waliba oo Dunidaan ka jira wuxuu horumarkiisa ku xiran yahay ilihiisa wax soo saarka hadii ay ahaan laheyd Warshadaha,Beeraha,Macaadiinta,Xoolaha Nool iyo wixii la mid ah,kuwaasoo dalka soo geliya dhaqaalo ku yimaada si dadban iyo sitoosahba.
Warshadaha,Beeraha,Macaadiinta,Xoolaha Nool iyo wixii la mid ah,kuwaasoo dalka soo geliya dhaqaalo ku yimaada si dadban iyo sitoosahba.
Dalalka Dunida Sadaxaad oo aynu kamid nahay markaan eego dhaqaalahooda inta badan waxa uu ku xiran yahay Canshuurta marka laga yimaado waxyaabaha kheyraadka dabiiciga ah gaar ahan dalkeenu burburkii ka hor wuxuu dhaqaalihisa ku tiirsanaa Xoolaha nool iyo Mooska oo loo iibgeen jiray dalal kamid ah Yurub iyo WaDdamo khaliijka ku yaala,halkaasoo ay kaheli jirtay dhaqaalo aad u balaaran oo guud ahaan kaaba ilaha dhaqaale ee uu dalku leeyahay.
Marka aan ka Soo laabto dhaqaalaha kasoo gala kheyraadka dabiiciga ah waxaa jiray ila kale oo kuwaas barbar socda sida Canshuuraha kala duwan hadii ay ahaan laheyd Canshuurta toosan iyo midda dadban taasoo laga qaadi jiray Ganacstada iyo dadweynahaba,iyadoo aan la dareemin wax dhibaato ah ama culees ku ah danta danyarta Somaaliyeed.
Canshuuraha dalka ka jiray way badnaayeen waxaa kamid aha Canshuurta loo yaqaanay Macaashul macaashka oo sanadkiiba mar kasoo xaroon jirtay Ganacsiga waaweyn oo ay kamid yihiin dibad wax u dhoofinta iyo kasoo dejinta sidoo kale dhismayaasha waaweyn oo loo yaqaano damanyaalaha.
Canshuurtoo la baxshaa sow kama habooneen bulshadoo la baroo loo bayaanshaa, waa su’aal isweeydiin mudan maxaa yeelay bulshada Somaaliyeed ee maanta jirta in badan waxba kalama socdaan Canshuurta iyo faa’iidadeeda,iyagoo ku baraaruga oo kaliya Ciidan hubeysan oo Al-baabka usoo garaaca weeydiiyana Canshuur iyagoo u fasirta Canshuurtaas laga qaadayo in ay tahay baad iyagoo waxba ka garaneen Canshuurtaas la qadayo,Cida qaadeysa,halka ay ku dhaceyso iyo ujeedada ugu dambeysa ee laga leeyahay.
Maxaa wacay waxaa la arki jiray Canshuurta kasoo xaroota dadweynaha in dib iyagu ay ugusoo laabato iyadoo loogu qabanayo adeegyada bulsho oo laga maarmaanka ah sida ay kamid yihiin,Wadooyinka,Amaanka,Caafimaadka Biyaha,Waxbarashada,iyo wixii soo raaca,hase yeeshee adeegyadaas bulsho gebi ahanba manta waxay gacanta ugu jiraan shirkado iyo shaqsiyaad gaar ah,aaway hadaba doorkii dowladeed ee bixinta adeegyadaas.
Waa su’aal uu isweeydiinayo muwaadin kasta xili dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir ka shanqariyay in dadku ay bixiyaan Canshuurta,isagoo ku goodinaya in cidii aan fulinin amarkaas in ay la kulmi doonto ciqaab Ganaaxeed.
Aragtideyda waxaa meesha ka qaldan Siyaasad ahaan jaangooyadii ama habkii Canshuurahas loo bixin lahaa oo in badan mad madoow uu ku jiro sababtoo ah ma qeexna shatiga laga doonayo goobta Ganacsi darajaduu yahay ma koowaadbaa,labaad ama Sadaxaad maxaa yeelay Ganacsigu wuxuu leeyahay heerar kala duwan sida goobta uu ku yaalo,Ganacsigaas waxa uu yahay iyo dakhliga uu heli karo taasoo lagu qiimeynayo darajooyinka aan kor kusoo sheegay mid kamid ah.
Canshuurta laga qaadayo Guryaha waa mid sidoo kale kala darjeysan iyadoo loo eegayo dhul banana,Guri Cariish,Jiingad ama Baraako Sar iyo wixii kasii sareeya.
Iskusoo wada duuboo baaqa kasoo yeeray maamulka gobolka Banaadir waa mid loo baahnaa balse,sow ma mahabooneen in bulshada la baroo loo bayaansho
W/Q/Aadam Macalim Aadaamo
Gmail:aadaamo2@gmail.com
Tel:0615511863