Waxaa maanta maamulka Puntland lagu wareejiyay gaadiid ciidan oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah ciidanka booliska maamulka Puntland.
4 Gaari oo ay Maalgelisey Hay’adda SSF isla markaana waxaa fulinaysey Hay’adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta degmo ee kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland oo ka hadlay goobtii baabuurtan Puntland loogu wareejinaayey ayaa u mahadceliyay hay’adihii fuliyay barnaamijkaan waxuuna sheegay in baabuurtan lagu adkeyn doono amniga deegaanada loogu talagalay.
Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland Jaamac Saxar-diid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay ,islamarkaana lagu wareejin doono taliyeyaasha degmooyinka loogu tala galay.
Hoos ka Daawo Sawirada:-