DHAGEYSO: Baaritaano ka socda degmada Qansax dheere

0

Maamulka degmada Qansax dheere ee gobolka Baay ayaa wali baatitaano ku haya dad looga shakiyay in ay Al-Shabaab gacan saar la leeyiihiin oo lagu soo qabtay howlgallo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen degmada Qansaxdheere.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansax dheere Cabdule Ibraahim Saneey ayaa sheegay in ciidanka ay soo qabteen dad aad u farabadan ,laakiin markii dambe baaritaano ay sameeyeen ay soo reebeen tiro yar oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan Yihiin Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in maamulka degmada iyo ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay u diyaar garoobeen in ay Al-Shabaab ka sifeeyeen deegaanada hoos yimaada Qansaxdheere.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay magaalada Qansax dheere iyo sidoo kale deegaanada hoos yimaada sida uu dhawaan sheegay gudoomiyaha degmada Qansax dheere.