Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Saakay uu la kulmay Madaxweynaha iy Ra’isal Wasaaraha uuna kala hadlay sidii Magaalada Muqdisho loogu aasi lahaa Alle ha u naxariistee General Maxamed Cali Samatar.
Waxa uu tilmaameen in ay isla garteen in ehelka General Maxamed Cali Samatar laga dhaadhiciyo in Muqdisho lagu aaso Marxuumka, isla markaana laga soo qaado Dalka Mareykanka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay go’aansadeen in Muqdisho lagu aaso, loona sameeyo Aas Qaran.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in madaxda Dowladda ay Muqdisho Aas Qaran ugu sameeyaan Alle ha u naxariistee General Maxamed Cali Samatar oo Saakay Aroortii ku geeriyooday Dalka Mareykanka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-