20 ka August maanta oo kale sanadkii 2012 ayaa barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada jira loo dhaariyey in ay noqdaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya 4 sano ka hor.
Kulanka ay maanta ku yesheen magalaada Muqdisho ayey ku soo bandhigeen waxyabhii u qabsoomay ee ay ka dhexli doonaan ama ay ku wareejin doonaan Barlamaanka 10aad ee ee soo socda.
Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Caballa Cawad ayaa Xildhinabada ka hor akhriyey waxyabhii ugu muhiimsanaa ee golaha u qabsoomay 4tii sano e ay jireen oo ay ku jirto xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo hoy martida loogu talagalay in lagula shiro.
Hoos ka Dhageyso Khudbada Gudoomiye Mahad oo Dhameystiran oo uu kaga hadlay Waxqabadka BJFS:-