Laamaha amniga maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso kusoo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin uruka Al-Shabaab.
Goobta lagu soo bandhigaayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.
Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in raggaasi ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab , islamarkaana laamaha amniga gobolka Bari ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan.
Ragga ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka maamulka Puntland ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Muuse Aadan, Cabdulaahi Aadan , Cabdiwaaxid.
Raggaas ayaa laga soo kala qabtay garoonka magaalada Boosaaso iyo sidoo kale kontoroolka Magaalada.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha:-