Xildhibaan C/llaahi goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Aas Qaran loo sameeyo General Maxamed Cali Samatar oo Saakay ku geeriyooday Dalka Mareykanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in General Samatar uu wax badan usoo qabtay Dalka iyo dadka isla markaana uu mudan yahay in Aas Qaran loo sameeyo.
Waxa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in Muqdisho la keeno Aaska General Maxamed Cali Samatar, laguna aaso Muqdisho si ay Madaxda Dowladda dhamaan ugu qeyb galaan.
Hoos ka Dhageyso Codka Goodax Barre:-