Waxaa maalinkii labaad dalka Suudaan ka socda shir looga hadlayo ka hortaga Argagixisada iyo Tahriibka sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinyarada, iyadoo shirkan la filayo in maanta la soo gaba gabeeyo.
Shirkan looga hadlayo ka hortaga Argagixisada iyo Tahriibka ayaa waxaa shir gudoominaya ku xigeenka Jaamacadda Carabta, waxaana ka qeyb galaya dalalka ku mideysan ururka Jaamacada carabta.
Dowladda Soomaaliya shirkan waxaa uga qeyb galaya Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan (Beekoos).
Maxamed Cabdi Xasan (Beekoos) oo ah Wasiiru dowlaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa la filayaa marka uu shirkan soo gaba gaboobo inuu kulamo gaar gaar ah uu la yeesho Madaxda dalka Suudaan, isagoo si gaar ah ugala hadli doona sidii kooxaha xagjiriinta looga hortagi lahaa ama loo wacyi gelin lahaa.
Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa nafsadooda inta badan waxa ay qatar ku geliyaan Bada iyagoo doonaya in ay helaan nolol ka duwan mid ay ku heystaan dalkooda, waxaan dowladda Soomaaliya inta badan lagu eedeeyaa in aysan wax shaqo abuur ah aysan usameyn dhalinyarada Soomaaliyeed.