Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Maanta ka Codsaday Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka iney iska cafiyaan hadii uu ka galay qalad mudadii Afarta sano ah oo ay wada joogeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in uu yahay Beni aadam isla markaana ay dhici karto inuu Xildhibaan qalad ka galo mudadii uu soo Shir Gudoominaayay Kulamada Baarlamaanka.
Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la iscafiyo oo ay muhiim tahay in Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka ay iscaafiyaan oo Caloosha la isku furo.
Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Afartii sano oo ay soo wada shaqeeyeen Xildhibaanada ay wax badan kala faa’iideysteen dalkana ay wax badan usoo qabteen.
Hoos ka Dhageyso Codka:-