Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay safarka uu madaxweynaha maamulka Somaliland uu ku maraayo gobolka Sool ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa safar ku maraaya deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sool.
Gobolka Sool waxaa ka jira khilaaf xoogan oo u dhexeeya maamulada Somaliland ,Puntland iyo Maamulka Khaatuma oo hada wadahadal kula jira maamulka Somaliland.
Qaar ka mid ah deegaanada lagu wado in uu gaaro Madaxweyne Siilaanyo waxaa ka agdhow ciidanka maamulka Puntland , waxaana la sheegaya in ciidamada maamulka Puntland heegan la geliyay.
Xiisada ugu badan ayaa ka taagan degmada Taleex ee gobolka Sool halkaas oo lagu wado in uu gaaro Madaxweynaha maamulka Somaliland.
Degmada Taleex ayaa horay waxaa ka dhacay dagaalo u dhexeeya maamulada isku heysta gacan ku heynta degmada Taleex.
Dhawaan maamulka Puntland ayaa ka digay safarka Madaxweynaha Somaliland.
Puntland waxa ay sheegtay in aysan u dulqaadan doonin in dhulka lagu muran sayahay in uu safar ku maro Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadda kusugan magaalada Laascaanood ee gobalka Sool oo uu shalay soo gaaray, isagoo kulamo la qaadanaya saraakiisha ciidamada.
Warar ay ka heshay idaacadda Risaala labada dhinac ayaa sheegaya in ay jiraan dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan labada dhinac.
Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa shalay lagu soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmad Siilaanyo.