Wararka inaga soo gaaraya degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Tiro madaafiic ah lagu soo tuuray Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo ku taala agagaarka xarunta degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaafiicda ay ahaayeen dhowr xabo oo ilaa iyo hada aan la garaneyn halka laga soo tuuray.
Waxay sidoo kale sheegeen in Madaafiicda qaar ay ku soo dhaceen xaafadaha degmada Shangaani oo u dhow Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lagu soo tuuray xarunta Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.