Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo maanta ka hadlayay Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay Raashin iyo Dawo dhacday ayaa amar ku bixiyay in la xiro lana horgeeyo caddaaladda cid kasta oo ku lug yeelata kiisaska la xiriira Cuntada iyo Dawooyinka dhacay ee laga soo dejiyo Dekadda Muqdisho.
“Gaadiidleyda,Ganacsatada keena kuwa Bakhaarrada geliya iyo Qof kasta oo mas’uul Dowladeed ah oo ay soo gasho waa in aad sharciga horkeentaan”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo maanta ka hadlayay Dekadda Muqdisho oo lagu soo bandhigay Raashin iyo Dawo dhacday.
waxaa uu sheegay in uu magaalada ka maqlay in Ganacsatada qaar ay ka soo horjeesteen in la sameeyo waaxda Tayadhowrka,waxaana uu weydiiyay sida ay ku ganacsanayaan haddii Badeecadaha ay keenayaan dalka aan la hubinin.
Waxaa uu amar ku siiyay laamaha amaanka in ay xabsiga dhigaan Dacwadna ku soo oogaan cidkasta oo ku lug yeelata raashinka iyo Dawooyinka dhacay ee dalka la keeno.
Hoos ka Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha:-