Waxaa Hotel Jazeera lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban (GFHDD) iyo qeybo kala duwan oo ka kala socday Ururrada Bulshada Rayidka (UBR).
Guddoonka GFHDD iyo xubnaha kale ee gudddiga ayaa sharraxaad guud ka bixiyey Hannaanka Doorashooyinka 2016 gaar ahaan doorka Guddiyada heer Federaal iyo heer Gobol, kaalinta Madax-Dhaqameedyada, Ergada doorashada, Musharaxiinta (labada aqal) iyo sharuudaha dhammaantood looga baahan yahay.
Xubnihii ka socday GFHDD waxay UBR ka codsadeen in ay door weyn ka qaataan doorashooyinka 2016 ee ka dhici doona magaalo-madaxyada Dowlad-Goboleedyada, Caasimadda Muqdisho iyo xarumaha dowlad-goboleedyada dhismi doona, maaddaama Ururada Bulshada ay kaalin muhiim ah uga jiraan mujtamaca Soomaaliyeed.
Kaddib markii Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Xubnaha Guddigu ay is weydaarsadeen macluumaad badan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka waxay isla garteen in la xoojiyo wada shaqaynta lana sii wado xog-iswaydarsiga labada dhinac.