Xidiga asal ahaan Soomaaliga ah balse U Orda Great Britain Mo Farah ayaa ku guuleystay biladiisii 4 aad oo dahab ah ciyaaraha Olombikadda kadib markii uu xalay ku guuleystay oradka 5,000 ee mitir ee baratanka Rio.
Waxaa uu noqday ninkii labaad ee labo jeer oo isku xigta qaada oradada 5,000m iyo 10,000m.
3 jirkaan ayey xalay u aheyd habeen kale oo wacan waxaana uu ku orday 13 daqiiqo, 3 ilbiriqsi iyo 30 dhururuq.
Tani waxaa ay ka dhigan tahay inuu difaacday labadii orad ee uu qaaday ciyaarihii olombikadda ee London 2012, hadana sidii oo kale ayuu qaaday 5,000m iyo 10,000m.
Farah ayaa markii uu xalay ku guuleystay biladan waxaa uu ku yiri saxafiyiinta “Waxey umuuqatay iney ka adkeyd midii London,sameynta markale waxey aheyd cajiib mana aamini karo.
Bilada Farah waxaa ay ka dhigan tahay biladii 27 aad ee Dahab ah oo ay Britain ka hesho ciyaaraha Olombikadda ee Rio iyo biladii 65 aad ee guud ahaan biladaha Great Britain ee tartanka Rio.