Xafiiska siyaasadda qaramada midoobay ee UNSOM, ayaa cambaareeyay qaraxyadii mataalanaha ahaa ee maanta oo Axad ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Gobolka Mudug.
Qaramada midoobay, ayaa sheegtay inaanay qaraxyadani u hakan doonin hawlaha ka socda dalka Soomaaliya, xilli laysu diyaarinayo inay si hufan u qabsoomaan doorashooyinka dadban ee sanaddan 2016-ka.
Qaraxyadan is xig-xigay, ayaa ka kala dhacay xarunta dowladda hoose iyo agagaarka suuqa Dayax ee waqooyiga Gaalkacyo,kuwaasoo sababay geerida ku dhawaad 20 qof, oo isugu jira ciidan iyo rayid ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen.