Shacabka Muqdisho oo ka cabanaya qaadashada Kaarka Teesare Minishiibiyo

0

Iyadoo dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Nabad Sugida Soomaaliyeed ay amar ku bixiyeen in la qaato Kaararka aqoonsiga ee Teesare Minishiibiyo ayaa arrintaas waxaa cabasho xoogan ka soo saaray Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dadweynahaan ayaa sheegay in xilligaan dalka ay ka jirto dhibaato dhaqaalo xumo ayna la daala dhacayaan Nolol maalmeedkooda sidaas daraadeed aysan qaabili Karin lacagaha lagu goosanayo kaarkaas.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa dhankiisa Sharci darro waxa uu ku tilmaamay  Qaadashada Kaarka Teesare Minishiibiyo isagoona carabka ku adkeeyay in waqtigaan aanu ku habooneen ayna wax laga xumaado tahay in shacabka oo aan awoodin lagu qasbo.

Bulshada Muqdisho ayaa isla dhexmareysay hadal heyn ku aadan in qaadashada Kaarkaasi shaki weyn ay ka qabaan waxa xilligaan ku soo beegay in dhaqaalaha ka soo xaroodo loo isticmaalo Ololaha Doorashada , taas oo Saxaafaddu ay wax ka weydiisay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale kaas oo arrintaas gaashaanka u daruuray.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida Soomaaliyeed dhalinyaro fara badan u qab qabteen in  aysan heysan Kaarkaasi Teesare Minishiibiyo , taas  dad badan ku tilmaameen in qaadashada kaarkaas oo lacago badan looga qaadayo shacabka lagu qasbayo.