TOOS U DHAGEYSO WAREYSI:- Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Saaka lagu Weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qaraxyada ayaa waxaa ku dhintay illaa 20 Qof,halka dhaawacu uu ka badan yahay  illaa Afartan kale sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.

Dadka dhintay ayaa waxaa ay isugu jiraan Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Dad Shacab ah,waxaana dadka ku dhaawacmay Qaraxyadaas la dhigay intooda badan Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Dadka ku dhintay Weerarada Qaraxyada ah ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidamada Ilaalada Degaanka ee Puntland Khadar Dhuubane iyo Ciidamo kale oo Puntland ka tirsan.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaan ku aadan Tiro Koobka dadka ku dhintay Qaraxyadii Saaka lagu Weeraray Magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga qof Goob Jooge ah:-