Xildhibaan Mahamed Ali Hussen(Daqare) oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka soomaaliya ayaa booqasho kormeer ah ku tagay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, isagoo u kuur galay xaaladda Guud dad iyo Duunyaba iyo dhibaatooyinka ka jira degmadaasi ee la xiriira arrimaha bulshada iyo dhanka wax soo saarka intaba..
Xildgibaan Daqare, oo muddo Todobaad ah kormeer ku joogay Magalada Luuq, wuxuu shirar kala duwan la qaatay maamulka iyo Odayaasha Degmaada Luuq, wuxuu uga xog warramay xaaladda guud ee dalka iyo talaabooyinka horumarka leh oo ay dawladda federaalka dalka gaarsiisay mudadii afarta sano aheyd ee xukunka haysay.
Xildhibaan Mahamed Ali Hussen oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gedo, wuxuu kaloo masuuliyiinta iyo odayaasha Degmada Luuq u faahfaahiyay Doorashada la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo iyo kaalinta loogu baahan yahay inay ka qaataan taabagelinteeda, ayna sugaan amaanka kana hortagaan cid allaale cidii carqaladeynaysa habsamida hanaanka hirgelinta Doorashada.
Xildhibaan Daqare, wuxuu warbxin guud ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada Luuq Mudane Nuur Xuseen Cali iyo odayaasha, waxayna sheegeen inay jiraan dhibaatooyin balse ay Dawladda uga baahan yihiin inay gacan ka helan.
Ugu dambeystii Xildhibaanku wuxuu masuulyiinta iyo Odayaasha degmada Luuq gaarsiyay salaam uu uga siday guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Mudaane mahamed Cusmaan jawaary, isagoo ku bogaadiyay inay sii lablaabaan dowrkooda.