Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Fedraalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa shalay Booqday Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska Galmdug ee Guuleed.
Wasiirka ayaa dhiiragelin u sameeyay ciidanka Booliska ee isugu jira Wiilasha iyo Gabdhaha, waxaana uu sheegay in ay yihiin hormarka iyo aayaha dalka.
Wasiir Odowaa ayaa Sheegay in Ciidamada Booliska Galmudug ay Lafdhabar u yihiin Amaanka iyo hormarka ka jira Galmudug Waxana uu balan qaaday in waxbadan ay Kaqaban doonto Dowladda Dhexe baahiyaha ciidanka
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug G/Sare C/casiis Yuusuf Dhagabadan ayaa Sheegay in ciidanka Ku jira xerada ay Tiradoodu gaareyso 400, isagoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay wax badan ka qabtaan baahiyaha gaarka ah ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Fedraalka Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa maalmahan waxa uu ku sugan yahay deegaanada Galmudug, waxaana uu halkaasi ka wadaa waan waan ku aadan sidii loo heshiisiin lahaa maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Hoos ka Dhageyso Codka:-