DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo Fariin adag u dirtay Madaxda Maamul goboleedyada Dalka

0

Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay weerarkii Qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kaas oo ay Mas’uuliyadiisu sheegteen Shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiir Maareeyee maamulada dalka ka jira in ay u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab, si looga hortago weerarada mararka qaar Shabaab ay ka geystaan dalka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Shabaab mar walba ay daadiyaan dhiiga shacabka taasina dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin oo ay wax ka qaban doonto.

Sidoo kale Wasiir maareeye ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga si looga hortago weerarada Al-shabaab ay ka geystaan dalka gudihiisa, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso Soomaaliya in ay ka dhigto meel nabad ah.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa ku soo aadaya xilli shalay weerar Qaraxyo loo adeegsaday uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana weerarkaas ku dhintay 30 Qof halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 50 Qof.

Hoos ka Dhageyso Codka:-