Howlgalo Culus oo saakay ka socdo deegaano ka tirsan gobolka Baay

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa Howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Baay.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Waxay sheegeen in ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo dhowaan tababar loo soo xiray ay howlgalka qeyb ka yihiin, kuwaas oo si gaar ah uga howlgali doona wadooyinka Shabaab u xiran oo ku yaala deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana dagaalkaas uu geysay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac.