John Kerry oo la kulmay wasiiradda arrimaha dibadda dalalka geeska Afrika

0

Xoghaya Arrimah Dibedda ee Mareykanka John Kerry, oo ku sugan Nairobi ayaa la kulmay maanta oo Isniin ah wasiirrada arrimaha dibedda dalalka Kenya, Soomaaliya, South Sudan, Sudan iyo Uganda.

Sidda lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, arrimaha ay ka wada hadlayaan waxa ugu weyn doorashooyinka soo socda ee dhowaan ka dhici doona Soomaaliya iyo heshiiska nabadda ee cagaha adag aan ku taagneyn ee South Sudan.

Kenya ayaa wasiiradda arrimaha dibadda dalalkan ka wareesan doona xoojinta ammaanka gobalka iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli wado weerarrada ay ka geesaneyso gobalka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Kerry ayaa saaka horre la kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta iyagoo ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Kerry waa markii labaad uu booqdo Nairobi tan iyo bishii May 2015-kii.

 

kerry