DHAGEYSO:- Sirdoonka Keyna oo xiray Askar Keynaan ah Xilli Maanta uu dalkaasi booqanayo John Kerry

0

Saraakiisha Booliska dalka Kenya ee sida gaarka ah u tababaran ayaa sheegay Howlgal ay ka sameeyeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya in ay ku soo qabteen ilaa iyo 4 Askari kuwaas oo xilliga la soo qabanayay gacanta kula jiray Hub dowladdu leedahay oo ay si sharci daro ah u iibinayeen.

Ciidanka la soo qabatay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidanka Millitariga dalka Kenya, waxaana Hubka lagu soo qabtay ka mid ahaa Qoryo, Bastoolado iyo Bambooyin.

Saraakiisha Booliska dalka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Askartan la soo taagi doono Maxkamad si loogu qaado dambigii ay dalka iyo dadkaba ay ka galeen.

Askarta la qabtay ayaa looga shakiyaya in ay xiriiri hoose la leeyihiin ururka Shabaab, waxaana looga shaki qabaa in dhowr jeer ooh ore ay Hub iyo agab kale oo ciidan ay iibiyeen.

Arintan ayaa ku soo aadaya xilli maanta Xoghayaha arimaha Dibada dalka Mareykanka John Kerry maanta la filayo inuu booqasho rasmi ah uu ku yimaado dalka Kenya, waxaana kulan looga hadli doono la dagaalanka Argagixisada uu la yeelan doonaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-