Wararka laga helayo Dalka Masar ayaa sheegaya in Ardayad Soomaaliyeed oo ku guda jirtay sanad daraaseedkeedii labaad ee kulliyadda Caafimaadka jaamacadda Garbi Kurdufaan ay Dhimatay kadib markii sida la sheegay ay ku dhacday Ceel ku dhex-yaala Jaamacadda ay dhiganeysay..
Ardayadda Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Caasho Bashiir oo daganeyd mid kamid ah Guryaha jamaacadda ay dhiganaysay oo sidatay Ashuun si ay u dhaansato Biyo ay ku weysa qaadato ayaa ku dhacday ceelka oo Af banaanaa.
Sida uu warku dhigayo Marxuumadda ayaa ceelka ku jirtay hal saac iyo ugu danbeyntiina ay ka soo saareen shaqaalaha ilaalada guduha iyadoo ay nattïf ku jirto .
Ila wareedku waxaa uu caddeynayaa in ay soo raagtay hal saac iyo bar kale gaadiidka anmabsku si ay uqaado ardayadda, sidaasina ay ku naf baxday.
Safaaradda Soomaalida ee Dalka Masar weli kama hadlin Dhacadaan ka dhacday dalka Masar,