Dadka Magaalada Gaalkacy qaar ka mid aha ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay sida ay u arkaan weerarkii Maalintii Axadda ka dhacay Magaladaasi,kaas oo ay ku dhinteen Dad 30 Qof kor u dhaafay.
Dad weynaha ayaa intooda badan qaban in Ciidanka AMniga ay is dhigteen,islamarkaana ay ahayd in ay ka hortagaan weerarkaas,halka kuwo kale ay ku doodayaan in Ciidankii AMniga ee joogay goobta ay Shacabka ku siidaayeen Qarax hore markii uu dhacay,taas oo sababtay in Qarax 2aad ay ku dhintaan dad shacab ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland ee waayadan howlgallada ka waday Gaalkacyo ayey ku dhaliileen in aysan ka war helin weerarka intaas oo khasaare ah geystay,iyaga oo baaritaannadii ay ka wadeen magaalada ku sheegay in ay ku qabteen Rag ka tirsan Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerarkii Gaalkacyo ee lagu qaaday xarunta Dowladda hoose ee magaaladaas,waxaana ay Al-shabaab ay ku sheegeen weerarkaasi in uu ahaa mid guuleystay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-