Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo Kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Cadaado

0

Golaha wasiirrada maamulka Galmudug ayaa maanta kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxaa looga hadlay arrimaha maamuliyadda ee maamulkaasi.

Kulankaan gollaha wasiirrada maamulka Galmudug waxaa shir guddoominayay ku simaha madaxweynaha madaweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa warbixin looga dhagaystay kulankani maanta ka dhacay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.

“Waxaasaraddu waxay soo bandhigtay dhaqaalihii na soo galay sanadkii tegay iyo bilihii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale gollaha wasiirrada aan la wadaagnay miisaaniyadda aan gacanta ku heyno sanadkaan 2017-da oo la diyaarinayo, waxaa kaloo uga warbixinnay miisaaniyaddii la helay sanadkii tegay waxaana kala hadalnay dardargalinta helitaanka dhaqaale cusub” ayuu yiri wasiir xigeenka maaliyadda Galmudug Maxamed Axmed Faarax oo wareysi siiyay Goobjoog News.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Galmudug ayaa qiray in dhaqaalaha haatan soo gala Galmudug uusan ku filneyn qabashada shaqooyinka wasaaradaha Galmudug, hase yeeshee lagu dadaalayo sidii la isku waafajin lahaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-